Howlgal Lagu Qabtay Hub Sharci Darro ah oo Muqdisho Ka Dhacay
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa iyaga dhankooda sheegay in la helay qoryo iyo rasaas lagu qarinayay guri ku yaalla xaafad ka mid ah degmada.
Ciidamada ammaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Yaaqshiid, halkaas oo lagu soo qabtay hub sharci darro ah sida Dalsan uu u xaqiijiyay afayeenka ciidanka boliiska qeybta G|Banaadir.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa iyaga dhankooda sheegay in la helay qoryo iyo rasaas lagu qarinayay guri ku yaalla xaafad ka mid ah degmada.
Dad lagu tuhunsan yahay inay hubka lahaayeen ayaa la xiray, waxaana loo gudbiyay xarumaha baarista.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xasilinayo caasimadda. Maamulka gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay tallaabada. Dadweynaha ayaa lagu booriyay inay laamaha ammaanka ku wargeliyaan wax kasta oo amniga halis gelin kara. Ciidamada ayaa sheegay in howlgaladu sii socon doonaan maalmaha soo socda.